Muqdisho —
Magaalaada Muqdisho ayaa korodhay kadib markii mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku dhowaaqeen in la sameeyey saddex degmo oo cusub oo ka mid noqonaya degmooyinka magaalada caaismadda ah.
Degmooyinkaas ayaa kala ah; Garasbaaley, Gubadley iyo Daarusalaam, kuwaasi oo horey u ahaa deegaano balse hadda loo aqoonsaday degmooyin. Tirada guud ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa hadda ah 20.
Warbixintan waxaa Muqdisho inooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Madal