Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay guddiga gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho


Rescuers remove a body from the scene of a double car bomb attack in Mogadishu, Somalia, Oct. 29, 2022.
Rescuers remove a body from the scene of a double car bomb attack in Mogadishu, Somalia, Oct. 29, 2022.

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya gurmadka dadkii dhaawacmay qaraxiyadii shalay lagu weeray isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xaafiiskiisa.

Guddigan oo uu guddoomiye u yahay wasiirka caafimadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka kooban 10 xubnood oo iskugu jira wasiirro, ku xigeenno maareeyeyaal iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir, waxayna ka shaqeyn doonaan sidii daryeel deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas, raadinka dadka la layahay, tirakoobka khasaaraha iyo isku xirka howlaha gurmadka, siga lagu sheegay bayaanka Xamsa Cabdi Barre.

Qaraxan oo ay ku dhinteen inka badan 100, ayna ku dhaawacmeen tiro ka badan 300 ayaa waxaa isbitaallada Muqdisho ka socda gurmad la xiriira sidii dadka dhaawaca ah loogu heli lahaa dareyaal caafimaad, gaar ahaan bukaannada u baahan dhiigga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa sidoo kale codsi u diray qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan dhaqaatiirta, kaas oo ku aaddan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada ku jira isbitaallada.

Guddiga gurmadka
Guddiga gurmadka

XS
SM
MD
LG