Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in xubinimadii laga qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa guddida hirgelinta doorashada ee heer-federaal oo kala ah, Maxamed Xasan Maxamed Cirro iyo Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam.
Ra'iisal wasaaraha ayaa isla qoraalkaas ku sheegay in laba xubnood oo cusub loo magcaabay boosaskii ka banaanaaday guddida hirgelinta doorashada heer federal.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale lagu sheegey in digniin kama dambayn ah loogu jeediyey shan xubnood oo kale oo ka mida guddida hirgelinta doorashada heer federal.
Ra’iisal wasaaraha ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay jiraan kooxo isbahaysanaya oo gudaha iyo debedda ah oo ka shaqaynaya in la hor-istaago dhamaystirka hawlaha doorashooyinka.
Dhinaca kale dawlad goboleedka Koonfur-Galbeed ayaa ka horyimi tallaabada uu qaaday ra'iisal wasaare Rooble iyaga oo ku tilmaamay inay tahay sharci-darro, baalmarsan go'aanadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dejisay madasha wada-tashiga qaran. Qoraal ay soo saartay Koonfur Galbeed ayay ku sheegtay inay hakisay wadashaqayntii dhinaca doorashooyinka ee kala dhexeysay ra'iisal wasaare rooble.
Intii aan qoraalka ra'iisal wasaaruhu soo bixin waxaa jiray waraaqo isburinaya oo ku saabsanaa afarta kursi ee muranku ka jiray ee aan loo ogolaanin in la siiyo shahaadada xildhibaanimada. weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow