Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble: "Dilka xildhibaan Aamina iyo weerarkii garoonka Muqdisho way xiriiraan"


Rooble
Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay xiriiraan dilka xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo weerarkii maanta lagu qaaday garoonka Aadan Cadde.

Rooble ayaa sheegay in laba dhacdo ay yihiin “kuwo looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo doorashada laguna cabsi geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka.”

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u arkaa in weerarkii maanta lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee caawa lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sheegay in xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta.

“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta,” ayuu yiri.

Rooble ayaa sheegay in dhacdooyinkan aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in ay dalka ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan.

XS
SM
MD
LG