Weeraryahanka xulka England Marcus Rashford ayaa qandaraaska u kordhiyey kooxdiisa Manchester United ilaa bisha June sannadka 2028, sida ay shaacisay kooxda Premier League Talaadada maanta ah.
Rashford, oo heshiiskiisa hore lagu waday inuu dhaco 2024, ayaa ku dhawaad 360 kulan u saftay United tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horeysay ee 2016.
Waxa uu u dhaliyay 123 gool tartamada oo dhan, 30 ka mid ah waxa ay ahaayeen xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo kooxda ka caawiyay inay ku dhameystaan kaalinta seddexaad.
"Waxaan ku biiray Manchester United anigoo ah wiil toddoba jir ah oo riyo leh, isla xamaasaddaas, niyaddaas, iyo go'aan qaadashada inaan guulo gaaro ayaa weli igu sii kicinaysa mar kasta xirashada iyo sharafta funaannada kooxda," ayuu yiri 25-sano jirkaan.
Xilli ciyaareedkii 2022-23 Rashford waxa uu ku guulaystay ciyaartoyga sannadka ee kooxda iyo abaal marinta ciyaartoyga sanadka.
Reuters.
Madal