Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manmohan Singh oo Booqanaya Africa


Manmohan Singh oo Booqanaya Africa

Ra'iisal wasaaraha India ayaa shir madaxeedka ku soo hadal qaadi doona arrinta ku saabsan burcadbadeedda xeebaha Soomaaliya.

Shir madaxeedkan u dhexeeya India iyo Afrikaanku waxaa weeye kii labaad ee noociisa oo kale ah ee dhex mara labada dhinac. Waxaana shirkii ugu horeeyay ee noocaasi oo kale ahaa uu sanadkii 2008kii ka dhacay magaalada New Delhi.


India waxaa ay doonaysaa in ay qaarada Africa u dhex gasho sida dalka shiinaha oo kale si ay markaasi uga faaiidaystaan khayraadka dihin ee qaaradda Africa oo ay iyaguna waddamada Afrikaanka ka taageeraan dhinaca horumarinta iyo in ay siiyaan daymo aanay wax shuruudo ahi ku xidhnayn.

Sanadkii hore ayaa wxaa lagu soo waramayaa in ay India ka iibsatay qaarada Africa alaabo uu qiimahoodu dhan yahay labaatan Billion iyo todoba boqol oo million oo Dollar oo ay qaaradda Afrikana u iib-geeyeen alaabo uu qiimahoodu dhan yahay toban billion iyo sadex boqol oo million oo dollar

India waxaa kale oo ay damacsan tahay in ay xoojiso sida ay diblamaasi ahaan iyo ciidan ahaanba ay uga muuqato qaarada Africa.

Sanadkii 2008, ayaa ciidamada badda ee India waxaa ay ku biireen cidamada baddaha ee la dagaalamaya budh cad badeedda Soomaalida ee ka hawl galaya marinada muhiimka u ah maraakiibta ee badda gacanka cadmeed iyo badwaynta India

Kadib marka uu dhamaado shirka uu la leeyahay hogaamiyayaasha Afrikaanka ayaa ra’iisal wasaaraha India waxaa kale oo uu booqasho ku tegi doonaa dalka Tanzania.

XS
SM
MD
LG