Muqdisho —
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabad looga hadlay guulaha amni ee gobolka Banaadir, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in kooxaha dilka gaysta ay ka baxsadaan meelaha ay wax ku dilaan.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa si adag kaga hadlay dil maalintii shalay loo gaystay xildhibaane hore Ibraahim Saalax Dayfullah, waxa uuna amray in gacanta lagu soo dhigo kuwa dilka gaystay.
Warbixintan waxaa soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Madal