Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Xamza oo amar kusoo rogay wasiirada cusub

Xamza
Xamza

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray amar xaddidaya in wasiirada cusub ee xukuumaddiisa ay isbeddelo ku sameeyaan ama shaqada ka eryaan saraakiisha darajooyinka sare ee dowladda.

“Dhammaan xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda, waa inay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo,” ayuu Xamza ku yiri qoraalka.

“Waxaa reeban magacaabis iyo shaqo ka joojin saraakiisha darajooyinka sare oo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo sharciga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.”

Xamza ayaa warqadda uu soo saaray ku sheegay in wasiirada looga baahan yahay ka hor inta aanay sameyn xil magacaabis ama kala beddel mas'uuliyinta hay'adaha ay madaxda ka yihiin looga baahan yahay inay waafajiyaan sharciga islamarkaana la-tashi kala yeeshaan ra'iisul wasaaraha.

Amarkan ayaa imanaya ayada oo golaha wasiirada la ansixiyey Axaddii tegtay, islamarkaana maalmihii tegay ay xilalka kala wareegayeen wasiiradii ka horreeyey.

Inta badan wasiirada ayaa marka ay la wareegaaan wasaaradaha, waxay isbeddelo ku sameeyaan qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ee xilalka sare haya, waxaana qoraalka Xamza u muuqdaa in arrintaas looga hortagayo.

Warqadda Xamza
Warqadda Xamza

XS
SM
MD
LG