Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qorshihii Gubista Quraanka oo la Joojiyay


Baadariga Terry Jones ayaa sheegay in kaniisadiisu ay ka noqotay qorshahii ay ku doonaysay inay ku gubto nuqullo ka tirsan Quraanka Kariimka.

Terry Jones oo ah baadariga kaniisad ku taalla gobolka Florida ayaa sheegay in kaniisadiisu ay ka noqotay qorshahii ay ku doonaysay inay ku gubto nuqullo ka tirsan Quraanka Kariimka.

Terry Jones, wuxuu sheegay in joojinta quraan gubistu ay timid kadib markii sida uu sheegay uu heshiis la gaadhay hoggaaminayaasha Muslimiinta si ay xarunta masjidka ee laga dhisi lahaa New York ay uga wareejiyaan goobtii uu ka dhacay weeraradii 11-kii September 2001.

War qoraal ah oo ka soo baxay Imam Faysal oo madax u ah mashruuca lagu dhisayo xarunta masaajidka ee New York ayaa lagu sheegay inaanu jirin wax heshiis ah oo ay gaadheen oo ku saabsan in xaruntaasi laga wareejiyo goobta laga dhisayo.

Qorshahan lagu gubayo nuqullada ka tirsan Kitaabka quraanka ayaa waxaa si weyn u canbaareeyey dhamaan madaxda Maraykanka, Hoggaamiyayaasha Caalamka iyo waliba madaxda Diimaha kala duwan.

XS
SM
MD
LG