Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qorshaha ay ATMIS uga baxayaan Soomaaliya oo billaabanaya bishan


ATMIS
ATMIS

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ayaa mar kale dib u xaqiijiyey in ay ka go’an tahay qorshaha lagu dhimayo ciidamada ATMIS, islamarkaana mas’uuliyadda amni loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay fulinta qorshe ay dhammaadka bishan dalka uga baxayaan 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dhimista.

Waxay intaas ku dartay in Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa amniga ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin wejiga xiga ee la wareegidda amniga dalkooda.

Sidoo kale, ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef, oo ka hadlay shir jaraa’id oo shalay ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegay inay ka go’an tahay xaqiijinta in amniga Soomaaliya lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan xaqiijiyo sida ay nooga go’an tahay fulinta in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyo go’aannada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee khuseeya arrintan. Iyadoo ka duuleysa Go’aanadaa ATMIS waxay soo gaba-gabaysay qorshaha lagu billaabayo dhimista 2000 oo askari oo ay tahay in la sameeyo dhammaadka bishan,” ayuu yiri Souef.

Danjire Souef ayaa kalsooni ka muujiyay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay ciidamo ku filan oo la wareegi kara mas’uuliyadda amniga marka ay baxaan ciidamada ATMIS.

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa awooda Ciidamada Amaanka Soomaaliya. Ciidanka XDS ayaa halkii sano ee la soo dhaafay muujiyay awoodda sii kordheysa ee lagu fulinayo howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah. Waxaan si kal iyo laab ah ugu ammaanayaa hoggaaminta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xoojinta xoogga dalka iyo sidoo kale hawlgalinta Ciidanka shacabka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Iyadoo la raacayo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2670, ATMIS ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ay dhinto 2,000 oo askari, si loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga ciidamada ammaanka Soomaaliya, loona meel mariyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu si buuxda uga baxo Soomaaliya 31-ka Decembar 2024.

Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Qorshaha ay ATMIS uga baxayaan Soomaaliya oo billaabanaya bishan
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:31 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG