Dhuusomareeb —
Madaxweynaha maamulka Galmudug ee Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in argagixisadu mudooyinkii danbe ku hawlanaayeen inay reeraha isku diraan, si ay u fushadaan danahooda.
Hadalkan madaxweyne Qoor Qoor ayaa soo baxaya xilli deegaano ka mid ah Galmudug uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, dagaalkaas oo ay qeyb ka yihiin shacab is-abaabulay.
Warbixin arrintaas ku saabsan waxa Gaalkacayo nooga soo diray wariyahayaga Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.