Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Nin magaalo ay Soomaalidu ku badan tahay ka geystay toogasho wadareed


Maine Shooting
Maine Shooting

Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay toogasho wadareed ka dhacday magaalada Lewiston ee gobolka Maine, iyada oo boqollaal askari oo booliis ah isugu soo baxeen gobolka, iyagoo raadinaya nin lala xiriirinayo toogashadan oo ka dhacday baar iyo goob kale oo lagu ciyaaro ciyaarta bowlingka.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, tobannaan kale ayaa ku dhaawacmay, waxaaana maamulka gobolkaasi sheegay inay jiraan dhibbanayaal badan oo ku dhintay toogashadii Arbacadii, balse waxay diideen inay sheegaan tirada.

Booliiska gobolka iyo hay'adaha amniga ayaa sheegay Robert R. Card, oo 40-jir ah lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay, isla markaana ay ku raadjoogaan.

Booliska ayaa faafisay muuqaalka ninkan la tuhunsanyahay.


Cabdullahi Cali waa Madaxa hey’adda Gateway Community Services oo ah hey’ad arrimaha Somalida ka shaqeysa oo ka howlgasha dhowr magaalo oo Maine ka tirsan oo ay Lewiston ku jirto. Maxamed Colaad Xassan oo khadka taleefanka kula xiriiray ayaa ugu horeyn weydiiyay sida uu weerarkaas u dhacay.

Wareysi ku saabsan toogasho wadareed ka dhacday Maine
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:57 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG