New York —
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay ilaa hal bilyan o dollar si looga baaqsado macluul mar kale ka dhacda dalka.
Qaramada Midoobay waxay toddobaadkan sheegtay in Soomaaliya ay wajahayso xilli-roobaad kale oo aanay di’in roobab ku filan, waxayna ka digeen in meelo ka mid ah waddanka macluuli ku habsan karto bilaha soo socda.
Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press waxaa soo jeedinaysa Shara Ciidle Nuur.