Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo gacan ka geysanaysa ilaalinta goobaha Nukliyeerka ee dalka Ukraine


FILE - Mid ka mida Shaqaalaha oo ku sugan goobta laga maamulo wershedda Nukliyeerka ee Shaqada gabtay ee Chernobyl ee dalka Ukraine, March 25, 2021.
FILE - Mid ka mida Shaqaalaha oo ku sugan goobta laga maamulo wershedda Nukliyeerka ee Shaqada gabtay ee Chernobyl ee dalka Ukraine, March 25, 2021.

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa sheegay in uu heshiisyo gooni gooni ah la gaadhay mas’uuliyiinta Ukraine iyo Ruushka oo la xidhiidha nooca taageero ee ay hay’addiisu u fidinayso labadan dal, iyada oo duullaanka Ruushka uu galay bishii labaad.

Cabsi xooggan oo ka dhalan karta shil nukliyeer ah ayaa jirtay muddadii shanta toddobaad ahayd ee uu dagaalku socday, iyadoo Ruushku uu si aan kala sooc lahayn u duqeeyay qeybo badan oo ka tirsan dalka Ukraine. 3-dii March, duqayn ka dhacday agagaarka warshadda Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee ku taal koonfurta-bari ee Ukraine ayaa uga sii dartay cabsidaasi.

“Waxaan geynay xoogaa qalab ah; Tanina waa bilow,” sidaasi waxaa yidhi Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah, Rafael Mariano Grossi oo la hadlay warfidiyeenka isaga oo ku sugan Vienna, kadib markii uu Jimcihii ka soo laabtay booqasho shaqo oo uu ku tegey Ruushka iyo Ukraine. Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey "Laakiin waxaan haynaa hawlo qorshaysan oo bilaaban doona usbuuca soo socda." Ayuu yidhi.

Caawimada ay bixinayso hay’addani waxaa ka mid ah, dirida kooxo khabiirro ah iyo qalab, iyo sidoo kale samaynta hannaan gargaar oo degdeg ah. Agaasimaha ayaa sheegay "Haddii ay timaaddo xaalad degdeg ah, waxaan dejineynaa hab aan ugu diri karno koox gaar ah si ay u qiimeeyaan oo ay si degdeg ah caawimo u fidiyaan" ayuu yidhi Grossi.

Horaantii duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine, ciidamada Ruushku waxay qabsadeen warshaddii shaqada gabtay ee Nukliyeerka ee Chernobyl. Khamiistii, ayaa la xaqiijiyay inay – ciidamada Ruushku - baxayaan ka baxayaan deegaanka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka ay ku sumoobeen shucaac, ka dib markii ay dhufeysyo ka qoteen qaybta ugu wasakhaysan ee u dhow wersheddan ee loo yaqaan Kaymaha Cas.

Hase ahaatee Grossi ayaa sheegaya in xaaladda guud ee shucaaca ee agagaarka warshaddu ay tahay "mid caadi ah" haddana muu xaqiijinin wararka ku saabsan in ciidamada Ruushka ay ku sumoobeen goobtaas. Agaasimaha ayaa sheegay "Waxaan maqalnay suurtagalnimada in shaqaalaha qaar ay sumoobaan, laakiin ma hayno wax xaqiijin ah oo taas ku saabsan."

Agaasimaha guud ee hay’adda IAEA wuxuu sheegay in shaqaalahiisu ay u guuri doonaan deegaanka Chernobyl "wakhti aad iyo aad u dhow" iyada oo ay jirto shaqo badan oo farsamo oo laga qabanayo halkaas, maadaama ay lumiyeen awoodo badan oo la socodka fogaanta ah oo u baahan in dib loo rakibo. Waxa uu sheegay in taasi si degdeg ah loo samayn karo.

XS
SM
MD
LG