Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Deni saartay cadaadis ku saabsan doorashada


Anita iyo Deni
Anita iyo Deni

Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho oo shalay booqatay magaalada Garoowe ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku faah-faahisay arrimihii ay kala hadashay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Anita ayaa waxaa safarka ku wehliyey Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Ku-xigeenka Wakiilka, Marwo Fiona Lortan; Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; iyo wakiilka Howlgalka Gaarka ah ee IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Mudane Ibraahim Maxamed Cabdi.

Anita ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni iyo Golihiisa wasiirada ay kala hadleen arrimo maxalli ah iyo kuwo heer qaran ah, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray doorashooyinka socda, saameynta abaartu ku yeelatay Shacabka Soomaaliyeed iyo xoojinta jawaabaha QM ee la xiriira.

“Waxa aan ka hadalnay dardarta ey tahay in loogu gudbo marxaladda xigta ee doorashooyinka iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si taa loo sameeyo. Waxa aan soo dhoweynay horumarka ey Puntland ka sameysay dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ka hor wakhtiga kama dambeysta ah ee 15-ka Maarso,” ayey tiri.

Ilaa hadda, waxa ay Puntland dooratay 31 ka mida 37 kursi oo ay 5 ka mida yihiin dumar.

“Waxa aan mar kale hoosta ka xariiqnay muhiimadda ey leedahay in geeddi-socodku noqdo mid loo dhan yahay. Waxa aan bogaadinay dadaallada ololeynta firfircoon ee Puntland ka socda ee ku aaddan hiigsiga qoondada ugu yaraan boqolkiba 30 ee metelaadda haweenka ee doorashooyinkan.”

Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay muhiim tahay in loo soo gebagebeeyo doorashooyinka dhammaan kuraasta Golaha Shacabka sida ugu dhaqsiyaha badan, iyada oo la xaqiijinayo fagaare siyaadeed oo cidkasta u furan, si geeddi-socodka doorashada loogu soo afmeero wakhtigii lagu heshiiyey.

XS
SM
MD
LG