Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qeybtii ugu horreysay ee ciidankii jiray Eritrea oo lasoo celiyay


Xasan Sheekh la hadlaya ciidanka lagu tababarayo Eritrea
Xasan Sheekh la hadlaya ciidanka lagu tababarayo Eritrea

Diyaaraddii ugu horraysay ee sidda qayb ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu tababaray dalka Eritrea ayaa maanta kasoo degtay magaalada Muqdisho, sidaasi waxaa VOA u sheegay laba ilo-wareed oo ku sugan garoonka diyaaradaha.

Labada ilo-wareed ayaa codsaday inaan magacyadooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay ka hadlaan soo daadguraynta ciidankan.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay qaybtii ugu horraysay kasoo qaadday dalka Eritrea, waana duulimaadkii ugu horreeyey ee duulimaadyo xiriir ah oo soo daabulaya ciidanka Soomaaliya ee tababarku ugu dhamamaday Eritrea.

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaali Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale VOA u xaqiijiyey soo nqooshada ciidanka.

Wasiirka oo warsysi siiyey VOA ayaa sheegay in soo noqoshada ciidankan ay muhiimad gaar ah u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayna dhiig cusub ku biirinayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan sheegay in ciidanka lagu tababaray Eritrea ay qaybtooda ugu horraysay soo noqon doonaan bishan gudaheeda, iyadoo soo celintoodana la dahammaystiri doono bisha Janaayo.

“Dhallinyarada jirta Eritrea waa ay soo laaban doonaan dhowaan.Waxay imaatinka billaabi doonaan kahor dhammaadka bisha December, waxaana lasoo geba-gebeyn doonaa Janaayo. Waa diyaar xilligan ma fileyno dib u dhac,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlay Minneapolis

Ciidanka Soomaaliya ee lagu tababaray Eritrea ayaa la sheegay inay tiro ahaan dhan yihiin 5 kun oo askari. Soo noqoshadooda ayaa imanaysa xilli ay dawladda Soomaaliya dagaal kula jirto ururka Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG