Qaxooti tiro badan oo ka qaxaya gobollada Soomaaliya ayaa ku qulqulaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Wariyaha VOA-da Maxamed Faarax Shire oo booqasho ku tegay xeryahaasi ayaa soo sheegay in maalin walba ay xeryahaasi galaan qaxooti Soomaali ah oo ka soo tallaabay xuduudda, kuwaasoo badidood ka soo hayaamaya gobollada Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Jubbooyinka.
Wariyaha VOA-da ayaa sidoo kale sheegay in xaaladaha xeryaha qaxootigu aanay wanaagsaneyn, isla markaana uu yar yahay wax qabadka hay'aduhu sameeyaan.
Waxa ugu daran ee dadku ay dareemayaan ayaa waxa uu yahay kul ba'an oo jira iyo biyo la'aan.