Muqdisho —
Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga xusay dhacdaddii qaraxyadii mataanaha ahaa ee 29-kii October 2022 ka dhacay Isgoyska Zoobe, oo lagu dilay ugu yaraan 100 qof, 300 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxyadaas ayaa ka dhacay isla goobtii uu ka dhacay qarax weyn oo gaari xamuul ah loo adeegsaday bishii October 14-keedii 2017, kaasi oo dillay dad 500 qof ka badan, kun ka bandanna ay ku dhaawacmeen.
Goobtaas oo loo yaqaanay Isgoyska Zobe ayaa dowladdu u bixisay Isgoyska 14-ka October, Warixin arrintan ku saabsan waxaa Muqdisho ka soo diray Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo isagu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay, qaraxii 29-kii October.
Madal