Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Jowhar


Qarax
Qarax

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qarax saaka ka dhacay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, kaddib markii gaari nooca loo yaqaaan Noha oo lagu soo xiray waxyaabaha qaraxa uu ku qarxaay afaafka hore ee hotel Nuur Doob

Waxaa jiray warar sheegaya in ciidamada ammaanka ay maalmihii la soo dhaafay ku raad joogeen gaarigan.

Dhinaca kale, sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA ee magalada Beledweyne Xuseen Xasan Dhaqane, deegaanka Qabno ee hoostaga degmada Matabaan waxaa ka dhacay duqeyn cirka ah oo aysan jirin cid khasaare kasoo gaartay, mana cadda cidda ka dambeysay duqeyntay.

XS
SM
MD
LG