Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Balcad


Qarax Muqdisho

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay bam-gamceed lagu weeraray maqaayad ku taalla magaalda Balcad ee gobolka Shaheelaha Dhexe, kuwaas oo ay jiraan saraakiil ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Sida uu VOA u xaqiijiiyay taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle, dadka dhaawac ah waxaa ka mid ah guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada HirShabelle.

Waxa uu sheegay in uu goobta ka baxsadeen qofkii soo tuuray bamka, laakiin hay'adaha amnigu ku raad joogaan.

Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr qarax iyo weerarro noocan oo kale ah ka fuliyay gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo inta badan sheegta masuuliyadda weerarada noocaan ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG