Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay Xaashi Cumar oo 16 sano ku xirnaa Talyaaniga


Muqdisho
Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ka dhacay degmada Dharkaynlay duhurkii maanta uu ku geeriyooday Xaashi Cumar Xasan oo horey muddo ka badan 16 sano ugu soo xirnaa dalka Talyaaniga.

Qaraxan ayaa ilo wareedyo sababo ammaan u diiday in magacooda la sheegao waxay VOA u sheegeen inuu ka dhashay aalad qaraxda oo lagu xiray baabuurka. Ilaa hadda booliiska Soomaaliya ayaan rasmi ahaan uga hadlin qaraxa.

Xaashi Cumar ayaa horey loogu helay dilka laba saxafi oo u dhashay Talyanaiga oo lagu kala magacaabo Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin oo sannadkii 1994-kii lagu dilay Muqdisho.

Xaashi Cumar ayaa ku adkaysanayey inuusan dambigaasi gelin.

Xukunka oo ku dhacay Xaashi Cumar sanandkii 2000 ayaa maxkamaddu ka laabatay sannadkii 2016-kii kadib markii ay soo baxeen caddaymo cusub oo muujinayey in mid ka mid ah dadka ku marqaati furay uu been sheegay.

Cumar Xaashi Xasan ayaa 31-kii bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii waraysi uu siiyey VOA kaga hadlay magdhaw ay maxkamaddu u xukuntay in laga siiyo xukunkii qaladka ah ee ku dhacay.

Waxaa sidoo kale uu ka hadlay muddada uu xirnaa iyo noloshii xabsiga. Wuxuu u warramay Falastiin Axmed Iimaan

XS
SM
MD
LG