Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Baabuur oo ka Dhacay Muqdisho


Qarax Baabuur oo ka Dhacay Muqdisho
Qarax Baabuur oo ka Dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay kaddib markii baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay meel u dhow KM-4 ee Magaamada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in baabuurku intii uusan qarxin ay qabteen ciidamada amniga ee DKMG, iyagoo dib ugu ogolaaday darawalkii baabuurka inuu koro, hasse yeeshee isla markiiba waxaa halkaasi ka dhacay qarax xooggan oo baabuurkan ka dhashay.

Ilaa hadda lam oga sababta ay ciidamada ay dib ugu ogolaadeen darawalkii baabuurku inuu dib ugu noqdo baabuurka ay qabteen.

Dhinaca kalena, Yusuf Siyaad Indho-Cadde oo ciidamada DKMG ka tirsanaa ayaa VOA u sheegay in qaraxyada xiriirka ah ee maalmahan ka dhacayay magaalada Muqdisho ay ka danbeeyaan dhalinyarada ka soo goostay kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay in loo ogolaaday inay ka mid noqdaan ciidamada dowladda.

XS
SM
MD
LG