Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Magaalada Qaahira


Baabuur Qaraxa uu waxyeelo u geystay
Baabuur Qaraxa uu waxyeelo u geystay

Saraakiil maxali ah, ayaa sheegay in ugu yaraan lix booliis ah ay ku jiraan dadka wax ku noqday qaraxaas oo burburkiisa laga dareemay de4gaanka ku dhow ee Shubra.

Kooxda Askarta Islamic Caliphate oo xiriir la leh Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyada Qarax gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ka dhacay duleydka xarunta wasaaradda amniga ee magaalada Qaahira gelinkii hore ee maanta oo khamiis ah kaasoo ay ku dhaawacmeen dhowr qof.

Saraakiil maxali ah, ayaa sheegay in ugu yaraan lix booliis ah ay ku jiraan dadka wax ku noqday qaraxaas oo burburkiisa laga dareemay deegaanka ku dhow ee Shubra.

Dad goob joog ahaa, ayaa ku waramay in nimanka qaraxa geystay ay soo dhigeen gaari banaanka dhismaha, ka hor inta aaney ku baxsan iyadoo qaraxaasi laga dareemay caasimada sida laga soo xigtay war-baahinta bulshada.

Kooxda daacada u ah Daacish ee gobolka Sinai ayaa ku muujiyay Twitter-ka in ay weerarkaa ka dambeeysay.

Falaagada ayaa waxay dishay boqolaal iyo dad rayad ah tan iyo intii milatarigu ay xukunka ka qaadeen madaxweynihii hore Mohamed Morsi sanadkii 2013kii.

XS
SM
MD
LG