Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay magaalada Nairobi


Qarax ka dhacay magaalada Nairobi
Qarax ka dhacay magaalada Nairobi

Ugu yaraan 2 qof ayaa dhintay 26-kalana way ku dhaawacmeen kaddib markii fiidnimadii caawa uu qarax ka dhacay bartamaha Nairobi.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof ay dhinteen in ka badan 26-na ay dhaawacmeen kaddib markii qarax xooggan uu ka dhacay meel basaska laga raaco oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi.

Qaraxan ayaa dhacay waqti dad rakaab ah ay fuulayeen baabuur bas ah oo ku sii jeeday magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Boliisku waxay sheegeen in qofkii qaraxa geystay oo sitay boorso uu damacay inuu baska koro, balse uu ogaaday in boolisku ay baaritaanno ku sameynayeen dhamaan boorsooyinkii ay wateen dadka rakaabka ahaa ee baskaasi raacayay, qofkaasi ayaa la sheegay inuu tuureey boorsadii qaraxu ka dhashay kaddibna uu isku dayay inuu baxasado. Wararka ayaa sheegaya in qofkaasi uu ka mid noqday labada qof ee qaraxaasi ku dhintay.

Madaxa Booliiska Uganda ayaa isniintii ka digay weerarro qaraxyo ah oo ay maleegayaan kooxda Al-Qaacida iyo kooxaha Islaamiyiinta kale ee ay ku jirto kooxda Al-Shabaab kuwaasoo doonaya inay qaraxyo fuliyaan inta lagu jiro xafladdaha ciidda masiixiga.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarradii bishii July ee sanadkan ee ka dhacay Kampala kuwaasoo ay ku dhinteen 78 qof. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi ugu aargudaysay dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ee dileen ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa ee ku sugan Somalia..

XS
SM
MD
LG