Isku xirrada

War Deg-Deg ah

11 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Istanbul


Goobta qaraxa uu ka dhacay
Goobta qaraxa uu ka dhacay

11 qof oo ay ku jiraan toddoba sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay 36 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida uu xaqiijiyey barsaabka Istanbul.

Babauur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa qarxay xilli uu dhiinac marayey bas ay ka buuxaan saraakiil booliis.

Baabuurta gargaarka gurmadkja ayaa ku cararayey degmada Vezneciler ee qaraxa uu ka dhacay oo ku dhow jaamacadda Istanbul iyo goobta loo dalxiiska tago ee Bayezit.

Ma jirto illaa iyo hadda koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, hase yeeshee kooxda Daacish ayaa dhowaanahan qaraxyo dhowr ah ka fulineysay dalka Turkiga.

Kooxda PKK ee Kurdish-ka ayaa sidoo kale tan iyo bishii July beegsaneysay booliiska iyo milatariga Turkiga.

XS
SM
MD
LG