Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay bartamaha Nairobi


Qarax ka dhacay bartamaha Nairobi
Qarax ka dhacay bartamaha Nairobi

Qarax xooggan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay, 70-kelana way ku dhaawacmeen

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in fiidnimadii caawa uu qarax xoggan ka dhacey faras magaalada Nairobi, gaar ahaan meesha lagu magacaabo Uhuro Park.

Qaraxan oo dhawaaqiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Nairobi, ayaan ilaa haatan la ogeyn cidda ka danbeysa.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ku shirsanaayeen oo ay isugu soo uruurreen siyaasiyiin iyo dadweyne fara badan kuwaasoo ka soo horjeeda dastuurka cusub ee Dalka Kenya ee dhawaan la rajaynayo in loo coddeeyo.

Siyaasiyiinta goobta qaraxu ka dhacey waxaa la sheegayaa inay ku jiraa 2 wasiir oo ka tirsan dowladda.

Ugu yaraan 4 ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi. Sidoo kale warbaahinta Kenya ayaa xaqiijisay in 70 qof ay qaraxaasi ku dhaawacmeen, lamana oga in wasiirradda dowladddu ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay.

Dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay cusbitaallada ku yaala Nairobi, waxaana la sheegay in 5 qof oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay qabaan dhaawacyo halis ah.

XS
SM
MD
LG