Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen madaxda Galmudug


Mudug
Mudug

Baabuur uu waday qof is-miidaamiye ah ayaa lala beegsaday tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dad ku sugan Wisil ayaa VOA u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, islamarkana lagu weraray goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay VOA u sheegeen ilo-wareed lagu kalsoon yahay.

Taliyaha ciidanka darawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa VOA u xaqiijiyay geerida ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale.

Taliye Gadaar ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Galmudug, xildhiban Cabdi Qaybdiid, xildhiban Dhabancad iyo mas’uuliyiintii ku sugnayd deegaanka Laas Gacamay ay badqabaan, balse ay jiraan dhaawacyo ka dhashay burburka qaraxa.

Senator Cabdi Qaybdid ayaa waxaa soo gaaray kaliya dhaawac ka yimid dhagax guri uu hurday kasoo dhacay.

Dhinaca kale, xilhibaan Dhabancad, oo waraysi siiyay weriyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, ayaa sheegay in gaari qarax ah lagu soo weeraray goob ay jiifteen xalay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhaawac fudud uu gacanta ka soo gaaray, kaasi oo ka dhashay guriga oo ku soo dumay iyo jiingadaha guriga wax la xariira.

Dhabancad ayaa sidoo kale VOA u sheegay in Senator Cabdi Qaybdiid uu soo gaaray asna dhaawac.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaan Dhabancad.

Wareysiga xildhibaan Dhabancad
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:12 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG