Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay, afar kalana waa lagu dhaawacay ka dib markii nin is-miidaamiye ah uu isku qarxiyay maqaaxi lagu shaaxo oo u dhow Buundada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Ilo degaanka ku sugan ayaa VOA u sheegay in dadka qaraxa lagu dilay ay ku jiraan ilaalada guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Dheere oo dhowr mitir u jiray goobta uu qaraxa ka dhacay balse aan wax dhibaato ah ku gaarin.
Afarta qof ee dhaawacay ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si logu daweeyo.
Isgaarsiinta magaalada ayaa aad cariiri u ah waxaa magaalada la galiyay bandow oo ma jiro wax dhaqdhaqaaq ah.
Haddaba weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane ayaa weerarka Jalalaqsi ka waraystay guddoomiye ku-xigeenka degmada Jalalaqsi Cabdisalaam Xasan Abuukar oo uu kula xiriiray Khadka telefoonka.
Madal