Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax is-miidaamin ah oo galabta ka dhacay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta ka dhacay Muqdisho xilli ay magaalada ka socotay ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxaysay gobollada Banaadir iyo Gamudug.

Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey qaraxan, waxayna sheegeen inay ku dhinteen laba qof, laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale dhintay qofkii ismiidaamiyaha ahaa, sida ay booliiska sheegeen.

Booliiska ayaa sheegay in qofkaasi uu isku qarxiyey goob shidaal xilli ay ciidamada amnigu cayrsanayeen.

Qaraxa waxa uu ka dhacay agagaarka nawaaxiga isgoyska Cali Kamiin ee Muqdisho, oo u dhow garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium.

Qaraxa ayaan saameyn ku yeelan cayaartii ka socotay garoonka, oo si nabad ah kusoo idlaatay, halkaasi oo kooxda Galmudug ee rigooreyaal ku adkaadeen.

Madal

XS
SM
MD
LG