Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaramada Midoobay oo $530m u Codsatay Gargaarka Soomaaliya


Qaramada Midoobay oo $530m u Codsatay Gargaarka Soomaaliya
Qaramada Midoobay oo $530m u Codsatay Gargaarka Soomaaliya

Madaxa Mashaariicda ee hay'adda WAAMO oo VOA-da u warramay ayaa sheegay in aan la aqoon halka ay ku baxaan lacagaha UN-ka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay u baahan tahay $530 milyan oo doolar si ay ugu bixiso hawlaha gargaarka Soomaaliya ee sanadka soo socda. UN-ka ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaasi ay 23% ka hooseeyso tii ay sanadkii hore dalbadeen.

Haddaba waa sidee baahida ka jirta dalka Soomaaliya, sidee beyse Qaramada Midoobay u isticmaashaa malaayiinta dollar ee ay u dalbadaan gargaarka Soomaaliya.

Aadan Bundiid Ducaale, madaxa mashaariicda ee hay’adda WAAMO ee ka hawlgasha gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa VOA-da u sheegay in aan la aqoon halka ay Qaramada Midoobay ku bixiso malaayiinta dollar. Wuxuu sheegay in shacabka baahan ee Soomaaliyeed aan waxba loogu qaban lacagahaasi ay Qaramada Midoobay dalbato.

XS
SM
MD
LG