Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaramada Midoobay: Colaadaha Dunidu Waxay Saameeyeen 2 Billion oo Qof


Antonio Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Antonio Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in, dadka ku nool goobaha colaaduhu ka jiraan ee dunidu, ay gaadhayaan illaa 2 billion oo qof. Waana tiradii ugu saaraysay tan iyo sannadkii 1945kii.

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa soo hadal qaaday colaadaha iyo xasaradaha ka jira dalalka Yemen, Syria, Myanmar, Sudan illaa Haiti iyo gobolka Sahel ee Afrika, isagoo sheegan in haatanna uu ku soo biiray dagaalka Ukraine oo ah masiibo gilgilshay rukunadii ay ku taagnaayeen kala dambaynta caalamiga ah, taas oo horseedaysa in qiimaha cuntada, shidaalka iyo alaabooyinka kale ee daruuriga ahi ee wadamada soo korayaa inay cirka isku shareeraan.

Xoghayaha Guud ayaa u sheegay guddida nabad-dhiska ee Qaramada Midoobay, in sannadkii hore, ay colaadaha iyo xadgudubyada bini’aadanimo ay sababeen in illaa 84 million oo qof inay guryahooda ka cararaan, taas oo aanay ku jirin dad gaadhaya illaa 4 million oo qof oo ka cararay colaadda dalka Ukraine.

Qaramada Midoobay ayaa sannadkan ku qiyaastay in 274 million oo qof inay u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo oo degdega taas oo muujinaysa inuu jiro sare u kac gaadhaya 17% marka la barbardhigo sannadkii hore ee 2021, waxaana loo baahanayaa in la helo $41 billion oo dollar si wax loogu qabto 183 million oo qof oo gargaar u baahan.

XS
SM
MD
LG