Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Ra'iisul Wasaare Xamza


Xamza
Xamza

Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay howlgada ciidaankooda ay ka wadaan degaanada buuralayda ah ee ku yaalla gobolka Bari halkaasi oo oo maalmihii u dambeeyay ay dagaal kula galeen maleeshiyada kooxda Daacish oo isugu jira ajnabi iyo Soomaali.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa dhinaca kale ku dhalillay ra'iisal wasaaraha Soomaaliya hadalkii uu ku bogaadiyay ciidamada Puntland ee la dagaallamaya Daacish isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahnaa taagero milatari iyo mid hdaqaale.

Wariyaha VOA-da Boosaaso Yuusuf Maxamuud Yuusuf warkaan kasoo diray magaalada Boosaaso.

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Ra'iisul Wasaare Xamza
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:58 0:00

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo horey uga jawabaay eeddan oo kale oo Puntalnd ay usoo jeedisay ayaa sheegay in dowladda federalka aysan Puntland ka xannibin wax mashaariicda ah balse cidda is-hortaagtay wadashaqeynta hay’adaha federaalka ay tahay Puntland.

Wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland in aysan marin habaabinin shacabka, oo ay mashaariicda u fasaxaan.

Xamza ayaa hadalkan ka sheegay kulan dadweyne oo kal hore ku qabtay magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu weydiiyay su’aal aheyd maxay dowladda Soomaaliya mashaaricda uga xayirtay?

Jawaabta ra'iisul wasaare Xamza
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:01 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG