Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in iska horimaad uu ka dhacay garoonka diyaaradaha kaasi oo dhaxmaray ciidamada badda ee PMPF ee garoonka amnigiisa gacanta ku haya iyo ciidamo kale oo ka tirsan kuwa la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan PSF.
Murankan ayaa la sheegay inuu ka dhashay qaabilaadda diyaarad mucaawino sidda oo ka timid magaalada Muqdisho, taasi oo ay la socotay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin Samatar.
Dagaalka ayaa ka dhacay bar kontorool oo laga galo garoonka. Ilo-wareedyo ku sugan goobta ayaa u sheegay weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac dagaalka uu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.
Wararka qaar ayaa sheegay in mas’uuliyiinta garoonka Boosaaso ay amreen inay dib u laabato diyaaradda sidday mucaawinada oo si nabad ah ku degtaya garoonka. Sidoo kale lama soo sheegin waxyelelo gaartay rakaabka diyaaradda oo ay ku jirto xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar.
Warbixintan waxaa Boosaaso kasoo dirtay Faaduma Yaasiin Jaamac.