Isku xirrada

War Deg-Deg ah

PSG oo heshiis shan sano ah la saxiixatay difaaca Munich Lucas Hernandez


FILES-FBL-LIGUE1-PSG
FILES-FBL-LIGUE1-PSG

Kooxda Paris St Germain ayaa heshiis shan sano ah lasoo saxiixatay daafaca waddanka Faransiiska iyo kooxda Bayern Munich Lucas Hernandez, sida ay shgeegtay kooxda heysata horyaalka Ligue 1 Axadii.


Lacagta lagu kala wareegayo 27-jirkan ayaan la shaacin, balse warbaahinta Faransiiska ayaa ku warantay in PSG ay Bayern siisay lacag dhan 40 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 43.87 milyan oo doollar.


"Runtii aad ayaan u faraxsanahay! Waxaan sugayay inaan ku biiro PSG muddo dheer, ugu dambeyntiina way dhacday, waxay ii tahay maalin khaas ah, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo," ayuu Hernandez ku yiri hadal uu soo saaray.

Hernandez, oo ah saxiixii shanaad ee cusub ee PSG, waxaana ka horreyay khadka dhexe Manuel Ugarte iyo Lee Kang-in, daafaca dhexe ee Milan Skriniar iyo weeraryahan Marco Asensio.

Kooxda PSG ayaa sidoo kale Arbacadii ceyrisay tababare Christophe Galtier, waxaana lagu bedelay tababarihii hore ee Barcelona iyo Spain Luis Enrique.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG