Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pirlo oo laga eryay shaqadii tababarenimo ee horyaalka Turkiga


FBL-ITA-SERIEA-GENOA-JUVENTUS

Tababare Andrea Pirlo oo u dhashay waddanka Talyaaniga ayaa laga fasaxay shaqada tababaranimo ee kooxda heerka sare ee Turkiga Fatih Karagumruk SK, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda Arbacadii.

44-sano jirkan oo hore u soo leyliyay Juventus ayaa qandaraas hal sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan Istanbul ee horyaalka Super Lig xagaagii hore markii uu ka yimid Juve, wuxuu ka tagi doonaa booska kadib seddexda kulan ee ka harsan xilli ciyaareedkan.

"Maadaama ayanaan sii wadi karin wadashaqeyn naga dhexeya Andrea Pirlo iyo shaqaalihiisa xilli ciyaareedka soo socda, waxaan siinay ogolaansho ay ku baxaan, anagoo rajeynayna inay siin doonto fursad ay ku qorsheeyaan mustaqbalkooda," ayay kooxdu ku tiri hadal ay soo saartay.

Karagumruk, oo u dalacay horyaalka Turkiga 2020, ayaa ku jirta kaalinta sagaalaad ee kala sarraynta horyaalka.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG