Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan oo tarxiishay boqolaal kun oo reer Afghanistan ah


Koowdi bishaan November, dowladda Pakistan ayaa billowday in dalkeeda ay ka musaafuriso dadka kasoo jeeda Afghanistan ee sida sharcidarrada ah ku deganaa Pakistan.

Illaa iyo hadda boqollaal kun oo qof ayaa dib ugu laabtay Afghanistan, kuwaas oo qaarkood la dejiyay teendhooyin macmal ah oo laga sameeyay deegaannada xadka.

Qoysaskaan ayaa dalbanaya in loo helo guryo iyo shaqooyin, iyadoo lagu sii siqayo xilliga qaboobaha e Afghanistan.

Warbixintaan waxaa isku-duway VOA-da laanteeda la hadasha Afghanistan, waxaa soo koobaya Nuur Xassan Nuur.

Pakistan oo tarxiishay boqolaal kun oo reer Afghanistan ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:54 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG