Shir ay jabhadda ONLF dhawaan ku qabatay magaalada Stockholm ee waddanka Sweden ayaa lagaga halday arrimo la xiriira dhinaca bulshada iyo siyaadadda.
Shirka waxa kasoo qeyb galay hogaanka jabhadda mudane Maxamed Cumar Cismaan iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan golaha fulinta jabhadda.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Cabdiraxman Maxamed Sh. Mahdi ayaa sheegay in shirka culayska lagu saaray arrimaha bulshada iyo siyaasadda.
Dhinaca arrimaha bulshada ayuu Cabdirahman Sh. Mahdi sheegay in dadkii kasoo qeyb galay ay ka hadleen sidii bulshooyinka reer Ogadenia ay u wanaajin lahaayeen wada-noolaanshaha bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin, una xoojin lahaayeen xididda qoyska.
Dhinaca siyaasadda waxa uu ka hadlay heshiisyada ay jabhadaha hubeysan ee ka dagaalama gobolka Soomaalida Ethiopia ay la galayaan dawladda waddankaas, isagoo sheegay in jabhadaas heshiiska galay ay isdhiibeen.
Heshiiska ONLF iyo Ethiopia, ayuu Xoghayuhu sheegay in ay ku iman karto oo kaliya markii dawlad saddexaad ay qeyb ka noqoto heshiiskooda si waxa laga wada haldayo ay markhaati uga noqoto.