Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ONLF oo dooratay hoggaan cusub


Guddoomiyaha ONLF

Ururka ONLF ayaa shalay doortay guddoomiye cusub kadib doorasho ka dhacday magaalada Godey ee gobolka Soomaalida.

Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi oo muddo dheer soo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Ururka ayaa nqoday Guddoomiyaha cusub ee ONLF, waxaana uu ka guulaystay Axmed Yaasiin.

Doorashada oo ku dhacday si qarsoodi ah ayaa waxaa Cabdiraxmaan Mahdi uu helay 340 cod, halka Axmed Yaasiin uu ka helay 247 cod.

Cabdiraxmaan Mahdi waxa uu beddelayaa Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo xilkaas ka fariisanaya in ka badan 20 sano kadib.

ONLF ayaa bishan shirweyne uga socday magaalada Godey, waxaana shirweynahaasi lagu ansixiyey istiraatijiyada ururka, iyadoo dhinaca kale lasoo dhaweeyey heshiiskii ururku la galay dawladda federaalka Itoobiya sannadkii hore.

Haaruun Macruuf ayaa Cabdiraxmaan Mahdi kula xiriiray khadka telefoonka ee magaalada Godey, waxana uu weydiiyey sida uu u arko doorashadiisa.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:15 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG