Muqdisho —
Soomaaliya waxaa gabagabo maraya doorashooyinkii mudada dheer qaatay, waxaana dhimman oo keliya doorashada madaxweynaha oo ay u sharaxanyihiin 39 musharrax, taaas oo dhici doonta 15-ka bishan.
Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa ololaha doorashada, iyada oo ay dadku si weyn u faaqidayaan.
Aqoonyahanka qaar ayaa qaba afkaar ah in sanadkaan wax badan ay doorashadu ka bedelan tahay kuwii horay dalka uga dhacay, marka la eego meelaha wax laga qiimeynayo, sida uu warbixintaan kusoo diray weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow.