Munich —
Bayern Munich ayaa shaqada ka ceyrisay maamulaha kooxda Oliver Kahn iyo Hasan Salihamidzic daqiiqado ka dib markii ay qaadeen horyaalkoodii 11-aad oo xiriir ah ee Bundesliga maalintii Sabtida ee ugu dambeysay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda.
Kahn, oo xilka la wareegay 2021 isagoo bedelaya Karl-Heinz Rummenigge, ayaa waxaa si degdeg ah ku bedeli doona Jan-Christian Dreesen.
"Waxay ahayd go'aan adag inaan kala tagnay Oliver, laakiin waxaan gaarnay iyadoo lagu salaynayo horumarka guud iyo dib u habeyn lagu sameeyo booska sare ee guddiga," ayay tiri Bayern.
Madal