Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 6, 2015

1
Dad qorax dhaca ka dul daawanaya hotelka saqafkiisa kore sida markabka loo sameeyey ee Marina Bay Sands Hotel ee dalka Singapore, ayada oo boor badanna uu ka kacsan yahay magaalada.

2
Shaqaale dhagxaan afar gees ah kasoo qaadanaya banaanka magaalada Peshawer ee dalka Pakistan.

3
Muhaajiriin sida dooni ka sameysan bambiiro, kadib markii ay soo bad-baadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Libya. Dadkan waxa ay ka mid ahaayeen dad ay dooni la qalibmatay, ayada oo 85 qof ay geeriyoodeen.

4
Buufinada waa weyn ee aaryada kulul lagu buufiyo oo heehaabaya dusha sare ee magaalada Albuquerque ee gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka, kana qeyb galaya tartan noocaas ah.