Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 16, 2015
9
Duqa magaalada London Boris Johnson oo cayaar rugby la dheelaya ilmo, magaalada Tokyo ee dalka Japan, oo uu booqasho ku joogo.
10
Nin doonaya inuu si cajiib ah kubadda koloyga ugu rido shabaqa, ka hor cayaar kooxaha Mareykanka ee Los Angeles Cilppers iyo Charlotte Hornets ku dhex mareysay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha.
11
Coos la duubay si xoolaha loo siiyo xilliga qabowga oo laga arko xilli aroor hore ah magaalada Angus ee dalka Scotland.