Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 16, 2015

1
Booliiska federaalka Jarmalka oo hagaya koox muhaajiriin ah kadib markii ay kasoo gudbeen xadka Austria iyo Jarmalka ee ku dhow magaalada Wegscheid.

2
Qoraxda oo sii dhaceysa, ayada oo dadkuna ay socdaan xeebta magaalada Alexandria ee dalka Masar.

3
Ciidamada badda Japan oo dhoola-tus ku sameynaya xeebta Sagami Bay ee Yokosuka ee Koonfurta Japan.

4
Arday ku cusub jaamacadda caafimaad ee University of Granada ee magaalada Granada ee dalka Spian, oo cunto lagu daadinayo, soo dhoweyn ahaan.