Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Khudbad ka Jeediyay Xarunta Qaramada Midoobay


Madaxweyne Obama ayaa khudbaddiisa inteeda badneyd kaga hadlay khatarta argagixisada caalamiga, Nuclearka Iran iyo geeddi socodka nabadda ee Bariga Dhexe.

Madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama oo maanta khudbad ka jeediyay kulanka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayuu wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin khatarta argagixisada caalamiga, Nuclearka Iran iyo geeddi socodka nabadda ee Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay xayiraadihii ka dhanka ahaa Iraan ee Qaramada Midoobay sanadkan ay sanadkan ansixisay barnaamijkeeda Nuclearka dartiis ay muujinayaan in sharciga caalamigu uusan ahayn mid dhalanteed ah.

Khudbad uu ka jeediyay kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay khamiistii maanta, waxa uu Mr. Obama sheegay in Iran lagula xisaabtamay guul darrada ay ku guul darreysatay inay ka soo baxdo mas’uuliyadda ka saaran xubinnimadeeda beesha caalamka.

Wuxuu sheegay in weli albaabkii diblomaasiyadda uu furan yahay, laakiin Iran ay waajib ku tahay inay soo bandhigto barnaamijka nuclearka nabadgelyada ah ee ay dooneyso.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa ku eedeeya Iran inay raadineyso sameysashada hub Nuclear ah, hase yeeshee Iran ayaa beenisay.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in taageero caalami ah la siiyo hannaanka nabadda ee Falastiin iyo Israa’iil.

Wuxuu sheegay dalalka doonaya dal falastiin oo xor ah waa inay joojiyaan ayuu yiri inay isku dayaan inay burburiyaan Israa’iil, ayna taageero dhaqaale iyo siyaasadeedba u fidiyaan maamulka Falastiin.

Wuxuu ku celiyay mar kale aragtida maamulkiisa uu ka qabo in Israa’iil ay kordhiso hakinta in dhismayaal cusub laga dhiso dhul Falastiin ay mustaqbalka dooneyso inuu ka mid noqdo dalkeeda.

XS
SM
MD
LG