Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Difaacay Howlgalka Libya


Obama oo Difaacay Howlgalka Libya

Madaxweynaha Maraykanka ayaa khubad uu u jeediyay shacabka Maraykanka ku difaacay howlgalka ciidamada isbahaysigu ay ka wadaan Libya

Madaxweynaha Maraykanka ayaa khubad uu u jeediyay shacabka Maraykanka ku difaacay howlgalka ciidamada isbahaysigu ay ka wadaan dalka Libya.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama wuxuu sheegay in Maraykanku uu ku biiray ololaha milateri ee reer Galbeed ee ka dhanka ah Liibya, si loo joojiyo wuxuu ugu yeeray gumaadka loona dhameeyo cadowtinimada daran ee lagu hayo shacabka Libya.

Obama wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyay sabahaha keenay howlgalkan iyo sida Maraykanku isagoo kaashanaya saaxiibadii ay ugu suurtogashay in Qaramada Midoobay ay ogolaatay in la horjoogsaday dagaalkii ba’naa ee uu waday hoggaamiyaha Libya.

Madaxweyne Obama wuxuu sheegay in Qadaafi uu waayey kalsoonidii dadkiisa iyo sharciyadii uu ku hogaamin lahaa waddanka Libya.

XS
SM
MD
LG