Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 23, 2015
1
Gabdho ka mid ah barakacaaysha gudaha dalka Afghanistan oo isku diirinaya jalmad dab saaran.
2
Haweeney isku dayeysa inay booliiska ka badbaadiso gabadheeda kadib markii ay isku dhaceen muhaajiriin doonaya inay xadka ka gudbaan iyo booliiska Greece.
3
Nin ka mid ah dadka cayaara tartanka dibiyada oo ka dhacay dibigiisii, dalka Indonesia.
4
Dad dhex socda beerta Blomen ee magaalada Hamburg ee waqooyiga Jarmalka, xilli baraf xooggan uu ku da'ay.