Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov.3, 2015

1
Wiil dhallinyaro ah oo isku tuuraya badda Indian Ocean ee gobolka Zanzibar ee dalka Tanzania.

2
Shimbir badeed dhinaca haadaya kalluumeyste xeebta xaafadda Smrzov ee u dhow magaalada Trebon ee dalka Jamhuuriyadda Czech.

4
Haweeney Falastiini oo burburineysa qeyb ka mid ah darbiga Israel ay dhistay ee kala qeybiya Daanta Galbeed iyo magaalada Abu Dis ee bariga Jerusalem.

5
Gabar yar oo isku kululeyneysa dab, xilli muhaajiriin ay isku dayaarinayaan inay galaan xero qaxooti, kadib markii ay kasoo gudbeen xadka Greece oo ay soo galeen magaalada Gevgelija ee dalka Macedonia.