Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo sheegatay dilka 15 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa sheegatay dilka 'ugu yaraan 15 ka tirsam maleeshiyada Al-shabaab kadib howlgal qorsheysan' oo ay ka fulisay deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay warsaxaafaded kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu caawimaad ka helay ciidamada waddan aan magaciisa la xusin oo duqeyn dhinaca cirka ah ku taageeray ciidamada NISA.

Maleeshiyada Al-shabaab ee howlgalkan lagu dilay ayay NISA ku sheegtay inay ahaayeen 'firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan' ay ka fuliyeen deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 Al-shabaab ah.

Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu burburiyay hub iyo gaadiid ay wateen maleeshiyadan, sida lagu sheegay bayaanka dowladda.

VOA si madax-banaan uma xaqiijin warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya

XS
SM
MD
LG