Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo $20,000 ku abaal-marisay muwaadin 'bixiyey' xogta weerar la qorsheeyey


Abaal-marinta NISA
Abaal-marinta NISA

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa abaal-marin lacageed guddoonsiisay muwaadin ay sheegtay inay bixiyey xog ka hortagtay weerar la qorsheeyey in laga fuliyo Muqdihso.

Qoraal ay NISA soo dhigtay twitter-ka ayaa lagu sheegay in Galbeed Xuseen Aadan la siiyey lacag $20,000 ah, kadib markii uu hay’adaha amniga ku caawiyey akhbaar ku saabsan weerar argagixiso oo la qorhseeyey in laga fuliyo Beerta Nabadda ee Muqdisho.

Abaal-marinta ayaa waxaa Galbeed guddoosiiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo shalay booqasho ku tegay xarunta NISA ee Muqdisho.

Qoraal lasoo dhigay bogga facebook ee ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in Galbeed uu soo sheegay Mooto Bajaaj siday qarax “ay Al-Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka, isagoo ku ammaanay muwaadinkaas “dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey” nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa daah furay xafiis cusub oo hay’adda ay soo kordhisay oo loogu magac dara; Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha, ayaa la sheegay in shaqadiisa ay tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xadgudubyada ay galaan ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta.

Dadweynaha ayaa la sheegay inay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan.

Madal

XS
SM
MD
LG