Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin ku eedeysnaa inuu fududeeyey weerarkii Garoonka Aadan Cadde oo toogasho lagu xukumay


Biyamaaloow
Biyamaaloow

Maxkamadda drajada kowaad ee ciidamada ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ku eedeysnaa inuu fududeeyay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u sheegay xukunka Biyamaalow.

Biyamaaloow ayaa 'ka dambeeyay weerarkii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee dhacay 23-kii March Sanadkan" ayay qortay warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay weerarkaas sida ay booliisku u sheegeen idaacadda VOA, waxaana ka mid ahaa Cabdirisaaq Aabi Cali oo ka tirsanaa Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad, sida ay sheegtay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada.

XS
SM
MD
LG